|

Somali Diaspora
Support Initiative Baaq Nabadeed
Ururka SDSI wuxuu aad uga walwalayaa,
dareen culusnna ka qabaa coladda iyo dagaalada ka soo
cusboonaaday gobolka Gedo xilli ay bulshadu gobolku la
daalaa dhacayso abaar ba’an iyo nolol xumo baahsan.
Waxaan u aragnaa dagaallada iyo degannaasha
la’aanta gobolka ku soo noqnoqonaya in ay keeni doonaan
cawaaqib xumo iyo burbur daba dheeraada . Bulshada gobolku
waa ka daashay dagaal iyo barakac waxayna mudan tahay
in loo turo oo dhibka iyo colaadda aan dhamaadka lahayn
laga daayo.
Waxaan ku baaqaynaa:
In si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaallada iyo colaadaha
ka soo cusboonaaday gobolka, isla markaasna loo turo shacabka
abaartu ku habsatay oo aan loogu darin dhib iyo barakac
hor leh.
In kooxaha isku haya gobolka ay khilaafaadkooda
ku dhameeyan wadahal ayna oggolaadaan dadaallada nabadeynta
ee waxgaradka beeshu waddo.
In odayaasha iyo waxgaradka guduhu dardargeliyaan
una istaagaan sidii loo xakamayn lahaa colaadda iyo dagaallada
ku sii fidaya gobolka.
Waxaan dalbaynaa in gobolka laga joojiyo
faragelinta joogtada ah ee lagu hayo iyo gacmaha shisheeye
ee dhiirigelinaya isla markaasna abaabulaya dhinacyada
gobolka isaga soo horjeeda. Waxaan aamminsannahay in dadka
walaalaha ahi ay ka heeshiin karaan khilaafaadkooda haddii
loo madax banneeyo.
Ururku, wuxuu jaaliyadda dibadda ee gobolka
ugu baaqayaa in ay gacan degdeg ah ka gaystaan arrimaha
nabadaynta iyo sidii colaadda gobolka ka soo cusboonaatay
loo damin lahaa, sidoo kalana bulshada gobolka laga taageero
dhibaatada abaareed ee la soo deristay.
SDSI
Communications Director
C/risaaq Cali Carabeey(Jeesteeye)
jeesteeye@gmail.com
Cabdiraxmaan
Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
|
 |
|