
 |
Puntland:-Baarlamaanka Wax walba ansixiyow Wadadee Mari
doontaan?
Waxaa yaab iyo amakaak ku ah shacabka Puntland kuwa isku
tilmaama in ay matalaan ee Xubnaha Baarlamaanka Beelaha
Puntland soo xusheen ah waxa ay ku kacayaan had iyo jeer
oo ay sameynayaan. Ma yihiin kuwo diinta Dalka iyo Dadka
Puntland wax u taraya? Jawaabtu waa maya. waxa ay meel
mariyaan wax walba oo dhibaato u ah shacabka badan waxa
ayna duudsiyaan wax walba oo xal u noqon lahaa umadda
Puntland.
Waa kuwa u shaqeeya Baarlamaanka Puntland danahooda gaarka
ah ee hantiyeed oo laga siiyo marka la doonayo in wax
laga ansaxsado qasnada Dowladda iyo dhaqaalaha Ummadda
Puntland leedahay dibna loogu halaagayo.
Hadda waa ay dhamadeen waqtigii loo dulqaadan lahaa marin
habaabinta danaha shacabka Puntland iyo naas nuujinta
dad gaar ah oo Puntland dhiiga ka jaqa sida gafanaha bahalka
la yiraahdo. Waxaa la jooga waqtigii lala xisaabtami lahaa
oo la ciqaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Puntland waa
dhab in ay iyaga yihiin asalka dhibaatada Puntland haysata
iyo hogaamin la'aanta murugsan ay dhaleen kuwa codkooda
calafka ku doonta ee aan ka fekerin danaha dadka puntland
Wax walba ansixiya Xubnaha Baarlamaankow waxaa kuwa idin
daba socda oo dadka idinka dhex qaban doona idin leeyihiin
wax walba ansiyalow halkee wado idiin ah oo aad mari doontaan???????????????
Waxaadna la kulmi doontaan ciqaab danbiyada aad diinta
dalka iyo dadka Puntland ka gelaysaan had iyo jeer ilaa
11 sanno oo Puntland la dhisay. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa
Waranka Salka horta aan iska siibo si aan u fariisto waayo
kan feeraha waxaa ka daran kan salka iiga mudan waana
tan maanta keentay in Puntland dad gaar ah gacanta loo
geliyo dhaqaalaheeda Siyaasadeeda iyo wax walba oo Ciidan
Nabad suga ah. Taasi marka waxaa ay noqonaysaa in Baarlamaanka
Puntland Talaabo laga qaado si loo badbaadiyo gobonimada
ummadda Puntland iyo xoriyada guud ee Beelaha Puntland
Diintana looga dhigo mid kor noqota.
Shalay ayaa la Horkeenay Baarlamaanka Puntland inay meel
mariyaan ansisixnta Hashiiska Shidaalka ee Puntland ay
la Gasha Shirkaad Ajaanib ah, taasi oo aanu Baarlamaanku
Su"aalo badan ka waydiin Karin Xukuumada dhaqaalaha
ka soo Xereeda Shirkadaha Badhaya Khayraadka waxa loo
qoondeeyay iyo Meesha si Gaar ah ay ugu dhacayaan.
Baarlamaanku Maha kuwa Yaqaan Ujeedkooda ama kuwa Maraya
Dariiqooyinkii loo idmaday markii la soo xuliyay, kuwaasi
oo Hareer maray Shuruucda Baarlamaanada Aduunka. taasi
oo ku Salaysan Soo Gola Joojinta Xukuumada iyo la Xisaabtan
Hadba markaasi waxa Taako ah ee taagan.
Baarlamaanka Puntland oo ka Kooban 66-Xubnood oo ay soo
xuleen Beelaha degan Gobolada Puntland iyaga oo Saxeex
iyo Idin ka Helaya Hadba Isinka Beeshaasi Hor jooge u
ah.
Puntland ayaa waxa ka dhacay Qaraxyo dilal Joogta ah oo
dad Masuuliyiin ah Loo Gaysanayo iyada oo Masuuliyiin
qaar ay Safaro dibada ugu maqanyihiin, waxaan xasuusanaa
markii la dilay Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad
ee G/Bari iyo Madaxwane Faroole iyo Golihiisa Wasiirada
qaar ay Joogeen dalka Dariska la ah Somaliya ee Kenya.
Waxaan Xasuusanaa Shirkii Golaha Wakiilada ee Khamiistii
in Wasiirka Maaliyada uu soo Bandhigay Miisaaniyada 2010-
ee lagu dhaqayo Xukuumada, Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay
in wixii ka danbeeyay Doorashadii Puntland ee Janaayo,
ay lacagta Maaliyada laga saaro ku Baxaysay Saxeexa Madaxwayne
C/raxmaan Faroole
Baarlamaanka Puntland ayaa moodaa inay yihiin Dad Xagal
Daacinaya Hanaanka Loo dhisay Maamulka Puntland kaasi
oo ah in Nabad lagu dhaqo Shacabka Walaalaha ee degan
Gobolada Puntland kuwaasi oo Xaq u leh inay doortaan Ruux
kasta oo Bad Baadinaya Danaha qaranka isla markaana Soo
celinaya Amaanka, Kobcinaya dhaqaalaha Gobolka.
Waxaan aad ula Yabaa marka la Hir Galiyo Nidaamka Asxaabta
ee Puntland haatan u Hanqaltaagayso taasi oo Gabi ahaanba
Meesha ka Saaraysa 66- Ruux ee ilaa 1998- Yuururay Meesha
kuwaasi oo Hadba Musharaxa Gurigiisa Habeenka Doorashada
ku soo Booqda Ugu Shuba Codka.
Nidaamka Asxaabta ayaa ah kuwa ay Shacabka si Xalaal ah
ku doorankaraan Ruux ay markaasi doonayaa inuu Hogaamiyo
taasi oo lagu Garankaro Tan Caalamka haatan ka Jirta.
Qalinkii Qoraa Madax-Banaan
Jaamac Feyte
Feyte@diplomats.com
Cabdiraxmaan
Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
|
 |
|