
Isku
Soo bixi ugu balaarnaa oo lagu weyneenayo Maalinta uu
Dhashay Nabi Muxamad (NNKH) oo ka dhacday Wadooyinka Magaalada
Kampala (Daawo Sawirada)
Isku Soo bixi ugu balaarnaa ebed oo
ay Sameeyaan muslimiinta ku nool Wadanka yugaandha ayaa
maalinimadi shalay ka dhacay Wadooyinka Magaalada kambaala
kaasi oo lagu weyneenayay maalinta uu dhashay Suubanaheeni
Muxamad ah (CSW)
Banaanbaxaani oo ay ka qeyb qaadanayeen
guud ahaan Muslimiinta kunool Wadanka Yugaandha ayaa waxa
si gaar ah qeyb libaax leh uga qaatay muujinta Maxabada
nabiga (CSW) Somalida kunool Wadanka Yugaandha oo ay horkacayeen
Culumaudiinaka Ahlusunah waljamaac.
Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay qaadayeen
Takbiir iyo Nabi amaano aad umacaan badan taasi oo soo
jiidatay Inta Quluubtooda ay ku beerantahay Maxabada Rasuulka
(NNKH) iyadoo sidoo kalena ay dadkani ku labisnaayeen
libis aad u qurux badan iyo boorar ay ku qoran yihiin
halkudhigyo lagu Muujinayo maalinta uu Dhashay nabiyulaahi
Muxamad (CSW).
Dhanka Somalida ayaa banaanbaxayaashani
waxa laga soo kala abaabulay Dhamaan Mowlacyada iyo Madrisooyinka
Culumaudiinka Ahlusunnah ay ku leeyihiin Magaalada
Kampala sida,Madawada weyn Umaya Ibnu Kacab iyo Mowlaca
Pan Afrika oo labadaba ah Xudunta Culumaudiiinka
Ahlusuunah Waljamaac ee magaalada Kampala iyadoo sidoo
kale somalida Yugaandha ay si weyn usoo wada cmireen banaanbaxani
isla markaana Jameeco walba kolka lasoo gaaro Xaafadooda
ay halkaasi uga sii biirayeen.
Inkastoo Muslimiinta kunool Wadanka yugaandha
ay Hareesay Farxada iyo maxabada Nabiga isla markaana
ay farxad aad ubalaaran ka muuqatay maalinimadi shalay
ayaa hadana waxa jiray shaqsiyaad sheeganayay in ay muslim
yihiin hadana naxdin iyo walbahaar ka qaaday ixtifaalka
iyo weyneenta Maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (C/S/W),
Ilaahow ha inaga mid dhigin kuwii ka naxo Dhalashada Xabiibkeena
Muxamad ah (NNKH)
Gabagabadi ayaa banaanbaxayaashi waxa ay
isugu soo aruureen Masjidka ugu weyn ee Geeska Afrika
ee Qadafi National Mosque oo si weyn loogu Xardhay ubaxyo
iyo boorar qurux badan oo lagu lamaaniyay fadhi aad u
cajiib ah oo muslimiinta udabaal dageeso maalintaan loo
diyaariyay iyadoo halkaa qudbooyin qiiro leh ay kasoo
jeediyeen hogaamiyaasha jameecooyinka halkaa isugu yimideen,
Sidoo kale waxa goobtaan goob joog kaa ahaa
Muftiga Arimaha Diinta Islaamka ee Wadanka Yugandha iyo
Kuxigeenadiisa iyo sidoo culimada ugu caansan guud ahaan
wadanka Yugaandha oo kamid ah wadamada ku horeeyo Xaga
Diinta islaamka marka loo fiiriyo Wadamada gobolka
Sheekh C/qaadir Macalin ibraahim (Sunni)
oo ah gudoomiyaha Culumaudiinka Ahlusunnah waljamaac
ee Wadanka Yugaandha oo halkaasi qudbad qiiro leh kasoo
jeediyay ayaa dhamaan Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay
munaasabada qiimaha iyo qadarinta Xanbaarsan isagoo sidoo
kalena uduceeyay Muslimiinta Caalamka in ilaahey niyadooda
iyo awoodooda kulmiyo.
Sheekh Sunni, waxa Ugu hambalyeenaa
Muslimiinta Duniada Meel Kasta ay joogaan maalinta sharafka
iyo Qadarinta Mudan ee ah maalinta uu dhashay Nabi Muxamad
(CSW) ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Suni oo qiiro hareesay
inta uu ku guda jiray Munaasabada isagoo kala qeyb qaatay
socodki dheeraa ay sameenayeen muslimiitna reer Yugandha
gaar ahaa Somalida kunool halkaasi oo iyaga caadi iyo
dhaqan u ah weyneenta Maalmaha qiimaha iyo qadarinta ku
leh shucuubta Muslimka.
Sheekh Xasan Aadan cusman (Kamacle) oo ah
madaxa Arimaha Diinta ee Culumaudiinka Ahlusunnah
ee wadanka Yuganda ayaa isna waxa uu dareenkiisa ku biiryay
Muslimiinta sida weyn uga qeyb qaadaneesay Munaasabada
maalinta uu dhashay Nabi Muxamad (CSW),
Sheekh Xasan, Maanta waxa ay noo tahay
Maalin weyn, Maalin ay Muslimiinta oo idil ay ku faanaan,
Waa maalinti uu dhashay Kheyru Khalqilaah, Waa maalin
ajir iyo Xasanaad laga helayo laguna kala saaro hadba
qof walba inta ay la egtahay Maxabada uu uqabo Rasuulkiisa
Muxamad (CSW).
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale waxa uu fariin udiray Dadka
caadeestay naceebka nabiga ee dhibsada sheeg sheegida
Magaca Rasuulka (CSW) iska daa in ay sadaqo iyo tawasulba
ay ku sameeyaan isagoo arinkaa ka hadlaayana waxa uu yiri,
Rag waxa ay ka faanaan , Rag baa ku faana
ayuu yiri sheekha isagoo hadalkiisa sii raaciyay in maxabada
nabiga iyo weyneentiisa ay banaanka keenayaan ayna muujinaya
Sheekh Ismaacil Sheekh Cali Rooraaye oo
ah Madaxa Arimaha Bulshada ee Culumaudiinka Ahlusunnah
waljamaac ayaa isna waxa uu ugu horeen uga mahad celiyay
dhamaan muslimiinta reer yugandha gaar ahaan somalida
ku nool halkaasi sida qiirada iyo qadarinta mudan ay usoo
camireen banaanbaxa muujinta maalinta uu dhashay Nabi
Muxamad (CSW)
Sheekh ismacil oo farxad aan lasoo koobi
karin darted hadalki gabay ayaa waxa uu muslimiinta kasoo
qeybgashay Munaasabada faray in ay badiyaan Saliga Nabiga
oo ah mid liiibaan aduunyo iyo mid aaqiro lagu helayo
.
Barxada Weyn ee Masjidka Qadaafi oo maalinimadi
shalay Qudbadi jimcaha kadib la isugu soo aruuray ayaa
sidoo kale waxa halkaa isugu yimid dhamaan Qaidiinta
Xilqooyinka Dikriga ee Jameecooyin ka kala socday Guud
ahaan Gobolada oo ka kooban Yahay wadanka Yugandha, Muslimiin
ka socotay dalalka bakistaan iyo Hindiya iyo Soomaalida.
Isku Soo wada Duubee Munaasabadaan ayaa
waxa ay ka dhigneed tii ugu balaarneed ebed oo ay sameeyaan
Muslimiinta kunool wadanka Yugandha kuna soo gaba gabowday
jawigi loogu tala galay
Sawir Qaade
Feysal Yuusuf Kulane
iyo
C/llaahi Sh: C/nuur Sh: Yuusuf
Waxa Diyaariyay
C/raxman Sheekh C/llahi
Kampala Yuganda
Cabdiraxmaan
Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
|
 |
|