Jaaliyadda
& Howlwadeenada safaarada Soomaalida Ruushka oo
eedeyn kulul u jeediyey safiirka dowladda federaalka
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ruushka ayaa si ba’an
ugu eedeynaya Maxed Maxuud Xandule oo ah safiirka dowladda
federaalka u fadhiya dalka magaalada Moscow ee Ruushka
arrimo la xiriir musuqmaasuq iyo ku takri fal awooda
dowliga ah, oo uu u adeegsaday dano gaar ahaaneed, waxeyna
sidoo kale ku dhaliileen Xandule in uu dadka Soomaaliyeed
kula dhaqmo hanaan qabyaaladeed, isagoo dhismaha safaaradana
ka dhigay xafiis uu shaqsi u leeyahay
Dadka dhaliilaya Xandule ma ahan oo
keliya Jaaliyada, sidoo kale waxaa dhaliil taas la mid
ah u soo jeedinaya qaar ka mid ah howlwadeenada safaarada,
waxaana howlwadeenadu ku eedeeyeen qodobada hoos ku
qoran:-
1) In ay safaaradda Somaliya ee Russia noqotay
hanti gaar ah.
2) In safaarada aanan laga
aqoosanayn Midnmada iyo Qaranimada Soomaliyeed.
3) In Pass-porka Somaaliga
la siiyo ajnabi loona diido Soomalidii xaqa u lahayd.
4) In dadka la siiyay Somali
Diplomatic Pass-port ay ka badan yihiin inta Ka shaqeyso
Wasaaradda Ar. Debeddda Somalia, kana yimaadeen hal
Jufo oo kaliya.
5) In guryihii safaaradda Somalia
loo adeegsaday qaab ka baxsan Diplomaaasiyadda.
6) in safaaraddu ey kala qeybisay
jaaliyadda Soomaliyeed ee Ruushka, loona diido Safaaradda
marka laga reebo hal jufo.
7) In dakhliga safaaradda oo
ka badan miisaaniyadda Dowladda FKMG, kana yimid ilo
Guracan loo adeegsado kala qeybinta iyo Sharaf dilka
Sooaamlida.
8) In been-abbuur laga sameeyo
qof-kasta, xitaa madaxda Somaliya iyo Arr. Somalia.
9) In balan qaadyo been-abuur
ah oo hanti gelin ah dadka qaar loo sheego.
10) In waxbarashada aan loo
sinayn, xitaa jiraan in dad Ajnabi ah ey magaca Somaliya
Wax ku bartaan.
11) In ceebeyn Joogto ah
loogu geysto safaaradda dadka Somalida iyo dalkooda.
Xafiiska
war qabadka Dayniile
Muqdisho Somalia
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com