“Waxaan dhaliil ka muujinaynaa damac xumo shaqsi ku doonayo inuu kula wareego Iddaacadda Codka Mudug” sidaana waxaa yiri…

Qoraal soo gaaray Xarunta Wabsaydhkaan oo lagana hadlayao arrimaha Idaacadda Codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sidaan u qornaa:-

Annagoo ah Aqoonyahanno ku kala nool Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho lana socona ujeedooyinka loo keenay Idaacadda Codka Mudug cidda bixisay Hantideeda, kaalinta ay illaa iyo hadda ay ka qaadatay arrimaha dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deegaanada Galmudug, Kaalinta ay taageerayaasha Galmudug ka qaataan socodsiinta Howlaha Idaacadda sida, daboolidda kirada Xarunta Idaacadda iyo gacan ka gaysashada dhinacyada kale sida kharashaadka Korontada Taleefonnada, qalabka lagu wado shaqooyinka Idaacadda oo ay ka miid yihiin Micsarada, Rikoorada, Kamarooyinka, Computarada iwm ayaa waxaa la yaab iyo u qaadan waa nagu noqotay Markaan ogaannay in Cabdulqaadir Cali Jaamac (Qalabxoor) uu bilaabay dhowaanahana waday ololayaal uu ku doonayo inuu Idaacadda kula wareego kana dhigto Hanti gaar ahaaneed oo uu isagu leeyahay meeshana kaga saaro lahaanshihii ay lahaayeen Idaacadda Maamulka iyo Dadweynaha Galmudug oo horay hantidooda, waqtigooda iyo aqoontoodaba ugu huray hirgelinteeda iyo socodsiinteedaba, isagoo iska indho iyo dhage-tiraya arrimahaasi oo dhan iyo waliba in uu yahay magac ahaan Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayna ceeb iyo damac xumo ku tahay isagoo aan waxba ku qaban xilkaasi wasiirnimo muddo dheerna uuba ka maqan yahay dalka iyo deegaanka Galmudug intaba waa basiib daro inuu haddana isku dayo in halkaasi Idaacad iyo Website uu kala wareego

Dhinaca kale, waxaan xog buuxa u noqonay in si damaciisaan uu ugu suurto gali Cabdulqaadir Cali Jaamac uu xarunta Idaacadda geeyay shaqsiyaad isbaaro u dhigto maamulka Idaacadda oo uu ku soo xulay qaab jufo iyo damac galin daneed kuna howl galiyay kuwaas oo qaabkaasi isbaaro ula wareegay maamulkii Hantidii iyo Magacii Idaacaddaba laga soo bilaabo 14/06/2008-da.

Xog ogaalnimadan ka sakoow arrimuhu in ay sidaan u dhaceen waxaa inoo xaqiijiyay Agaasimaha Idaacadda iyo Wabsit-ka Codka Mudug Cilmi Kulan Geeddi sidaasi darteed anaagoo kala ah Aqoonyahano taageera howlaha Dowlad Goboleedka Galmudug in ay sii socdaanba lana sii xoojiyo, aadna u qiimaynayna kaalinta Idaacadda Codka Mudug ay kaga jirto horumarinta noocyada kala duwan ee adeegyada bulshada ayaan ka codsanaynaa Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, Jaaliyadda, dibedda iyo dadka kale ee bixiyay hantida Idaacadda qaybaheeda kala duwan iyo inta kale ee kaalin ka qaadan kartaba in ay arrintaan damac xumida iyo nidaam duminta ah wax ka qabtaan, iyadoo ay talo naga tahay in la sii xoojiyo qaybaha Warbaahinta deegaannada Galmudug howlahooda socodsiintooda kaalinta wayn ka qaadan kara oo ay ka mid yihiin Idaacad Shorte Wave ah. FM baaxad maqal oo tan ka ballaaran leh. Tv-Wabsite iyo wargaysba.

Xafiiska war qabadka Dayniile
Muqdisho Somalia
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

Google
News Update in English www.dayniileone.com
   Halkaan ka iibso waxii aad u bahan tahay oo raqiis ah
Home of the Web's Best Freebies.
Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: dayniilecom@hotmail.com