Maxkamadaha
Islaamiga ee ku shir sanaa Sanca oo ogolaaday in ciidamo
shisheeye la geeyo Soomaaliya balse ku xiray sharuud
adag.
Masuliyiinta Midowga Maxaakimta Islaamiga
oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Sanca ee dalka
Yemen ayaa soo dhoweeyey go?amadii dhowaan ay soo
saareen guddigii lagu sameeyey shirkii Jabuuti ee
ku wajahnaa xalinta khilaafaadka dalka Soomaaliya
iyo sida loo wajahayo, sida ay sheegayaan wararka
aynu ka helayno goobta shirka.
Xubnaha ka qeyb galay shirka ayaa isla
ogolaaday in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye
oo badela ciidamada Ethiopia ay ku sheegeen in ay
dalka xoog ku qabsadeen, balse waxa ay ku xireen sharuud
ah in ciidamadaasi ay ahaadaan kuwo ka yimaada wadamada
Islaamka isla markaana la cadeeyo mudada ay joogayaan
dalka.
Shirkaasi oo ahaa mid loo diiday saxaafada ayaa sidoo
kale waxa ay mas?uliyiinta maxaakimta ku ogolaadeen
in xabada la joojiyo balse taasi aanay macnaheedu
aheyn in muqaawamada hada jirta loo garduubo waxa
ay ugu yeereen dowlada daba-dhilifka.
kulanka ay sida gaarka u yeesheen Maxaakimta ayaa
daba socday shir dhameystir ah oo ay la qaateen
Wasiirka arrimaha dibada Yemen oo ay
isku waafaqeen sidii loo badbaadin lahaa shacabka
Soomaaliyeed ee dhexda u galay dagaalada u dhexeeya
kooxaha kacdoonka iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa
dowlada KMG oo hal dhinac ah.
Dagaalyahano ka tirsan maxaakimta Islaamiga
iyo kooxaha Al-Shabaab oo isku mowqif ah ayaa gobolada
dalka Soomaaliya ka wada dagaalo ay uga soo hor jeedaan
dowlada KMG iyo iyo joogitaanka ciidamada Ethiopia,
kuwaasoo geysta khasaare naf iyo maalba.