Madaxweyne
Yuusuf oo ku hanjabay in uu iscasilaayo haduuna joojin
dhaq dhaqaaqa nabad raadinta uu wado Nuur Cadde
Muqdisho
Madaxweynaha DFKMG Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed
oo maal mahaan kala dhaxeyesay xurguf siyaasadeed aad
u xoogan Wasiirka koowaad Nuur Cadde oo isagu helay
taageero badan oo shacabka reer Muqdisho ah madaama
uu yahay shaqsi siweyn u yaqaano shaqada uu haayo taasoo
siweyn u dhibeysa madaxweyne Yuusuf oo isagu intabadan
nolo shiisa ku soo qaatay kaligiis talisnimo .
Xurgufta soo kala dhax gashay Yuusuf iyo
Nuurcadde ayaa ah dadaalka dib u heshisiinta uu wado
Nuur Xasan Nuur Cadde ee leysugu soo dhaweynaayo shacabka
Muqdisho iyo Dowlada uu garwadeenka ka yahay Nuur Cadde.
Madaxweyne Yuusuf oo isagu ay dhibto Nabad
ka waarta Soomaaliya ayaa aad u diidan dadaalka yar
ee uu wado Wasiirka Koowaad Nuur Cadde
.Qilaafka oo sii xoogeystay kadib markii
uu ku adkeystay Nuur Cadde in uusan cidna kala tashaneynin
ayaa aad u dhibtay mooqifka adag ee Nuur cadde La yimid
isagoona madaxweyne Yuusuf ku adkeystay haduuna joojin
dhaq dhaqaaqa uu wado uu is casili doono sidaana ay
kuwada weyn doonaa labadooda jagooyinka sar sare ay
hayaan
Warkaan is casilaada madaxweynaha oo aan
ka soo xigan dad ku dhow dhow madaxweyne Yuusuf oo ka
gaabsaday in la shaaciyo ayaa intaas ku darayo in aan
marnaba laga yeeleynin shaqsi kaligiis wato shaqo oo
aan loo dirsan
Nuur Cadde oo wado qorsha ah in uu xilka ka xayuubiyo
Maxamed Dheere , Cabdiqeybdiid iyo Daraawiish ayaa waxaa
ganafka ku dhufta madaxweyne Yuusuf oo isagu u arko
shaqsiyaadkaasi baalalka uu ku taagan yahay xiligaan
kala guurka ah
Xafiiska
war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com