Ma
aragtay Marwada Koowaad ee Somalia??.(Sawirqaade helay
sawirka Shariifka oo wata Xaaskiisa).
Sida uu daabacay website-ka Muuqaal.com
oo inta badan ka sheekeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa
uu soo saartay wajiga hore sawir laga helay Sawirqaade
ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgiumka oo sheegay
inuu fursad u helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya
oo wata Xaaskiisa inuu sawir la helay iyadoo uu Madaxwynuh
xiligaas arkeynin ama uusan meesha ka fileynin inuu
ku sugan yahay goobtaaasi sawirqaada nooca loo yaqaana
Paparazzi oo raadsada waxyaabaha aan horey loo arag
ee dadka caanka ah ama madaxda.
Sawirqaadahaan oo ahaa Somali deggan dalka
Sweden Magaciisana kusoo gaabiyay MO, ayaa soo gaarsiiyay
saxaafada waxuuna sheegay inuu noqday ninkii ugu horeeyay
ee sawira Madaxweynaha oo ay wehliso Xaaskiisa oo Xijaab
wadato.
Hadaba arrinkan ayaa noqday mid si weyn loo raadiyo
isla markaasna lala xeriiro sawirqaadhaa si looga iibiyo
haduu haayo sawiro kale balse waxuu sheegay inuu iibsanayo
sawiradan oo ah kuwa aan horey loo shaacin.
Dad badan oo Soomaliyeed ayaa u arki doono Madaxweynaha
Soomaliya inuu yahay mid furfuran isla markaasna ah
qunyar socod maadaama uu banaanka ula soo baxay asagoo
garab socdo xaaskiisa ama marwada Koowaad ee Somalia.
Filo Sawiro kale oo Xiiso leh
Muuqaal Online,
------------------------------------------
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com