Muqdisho
oo noqotay kawaankii lagu gowracayey birimageydada!
(Warbixin & sawiro)
Qofka wanaagsan damiirkiisu mar kasta waa nool yahay,
waa damiir shaqeynaya, oo kala garanaya samaha &
xumaanta, waa damiir aan qofna ku tiirsaneyd, oo aan
qofna si gaar ah u caashaqsaneyn balse ku shaqeynaya
sida uu ILLAAHEY u jideeyey oo ah garasho suuban,
oo aad wax kasta ku cabireyso inta ay dhibaatadoodu
la' eg tahay adigoo ujeedaaduna aheyn dabaaqtan, naceyb
shaqsi ama qolo gaar ah aad niyada ugu hayso, hadduu
sidaa fikirku ku socdo waxaa la helayaa Soomaali badan
oo wadaanta ceelka inooga dhacday ka soo saari kara.
 |
Siduu damiirku noqon lahaa haddii hooyadaa,
xaaskaaga & caruurtii aad aabaha u aheyd aad dultagtid
meydkoodii oo cadcad u googo´ay, adigoo og in
ay dishay gacan ka xaq darran una jeedid gacantii
dishay, haddana gacantii dishay ay si jees jees ah
u tiraa waxaan ka ahay beri oo wax shaqo ah kuma lihin,
maxaad dareemi laheyd, maxaa kuu diidaya dadka maalin
walba leinaya & geerida aan xadka laheyn ee maalin
walba saameyneysa guryaha hooyooyinka Soomaaliyeed
in ugu yaraan waxa aad ka geysan kartid aad ka geysatid,
ma ogtahay xaalada dhabta ah ee ay maanta ku sugan
tahay Muqdisho & qaar ka tirsan gobolada Soomaaliyeed
ee ku jiro gacanta gumeysiga madow.
 |
Waxaad aragnay boqolaal qoysas oo guryahooduu
lagu laayey markii madaafiic lagu leeyahay lama oga
cid soo riday laakiin la ogyahay cidda soo riday ay
dishay, waxaad u soo joogtay in si bareer ah oo aan
gambasho laheyn dadkeenii loo laayo, oo loo barokiciyo,
maxaa ka xanuun badan oo aan arki laheyd dadkeenii
oo heerkaas la gaarsiiyey. (waa duni lagu indho. daraandaro
oo waxaa yaalla aad yaab u dhimanaysid. ...)
 |
Maanta waxey taagan tahay in wax kasta
oo wanaagsan oo aad adigu sameysato la diidan yahay,
lana doonayo in jiritaankaaga la baabikyo, sidaas
bey xalka u arkaan, weliba waxey adeegsanayaan dadkaagii
kuwii ugu liitay oo aan laheyn wax damiir ama damqasho
Soomaalinimo, kuwaas waxey dhaxli doonaan waa wax
kale, laakiin waxaan arkeynaa maanta in ciidamadii
Xabashida & kuwii Ugaandheyska ahaa in madaafiicda
loogu talogalay in isku adeegsadaan dowladaha waaweyn
ee diriraya in ay ku xasuuqayaan maatideenii, sidoo
kalena lagu burburiyey inta badan hantidii shacabka.
Haddii aan nahay Soomaali waxaa nagu dhacday
masiibo, aad moodo in aan waxba la inoo hambeyn, waxaa
isu soo haray dadkii dadka ugu liitay, aniguna waxaanba
qabaa in markeenii hore aan wada liidanay, sababtoo
ah, wax la waayey waxgarad Soomaali ah oo ilaa haatan
isu taaga joojinta xasuuqa lagu hayo shacabka.
 |
Waxaad arkeysaa Soomaali marka ay ka
sheekeynayeen wixii ka horeeyey burburka dowladii
dhexe oranaya Soomaali haddaan nahay waxaan aheyn
Qaran aad u xoog badan, kana tilmaaman dalalka geeska
Afrika, weliba waxaan aheyn bey leeyihiin wadanka
3-aad ee Afrika ugu hormarsan dhinaca ciidamada milateriga,
waan la yaabaa sheekadaasi waayo, haddii sheekadaasi
ay jirto maanta oo ay Soomaali taagan tahay marxaladii
ugu xumeyd oo Taangi Xabashi & Ugaandheys leeyihiin
ay bartamaha magaalada Muqdisho kaga soo ridayaan
madaafiicda wax gumaada dadka shacabka ah, aaway oo
halkeey ka baxeen dadkii Soomaaliya madaxda ka soo
noqday, saraakiishii ciidamada meeye, xittaa haddii
qaar dhinteen, qaarna duqoobeen ma la waayey cid isu
taagta in ay ka damqato dhibaatada, waxaa xaqiiqo
ah in aan weli ka hayn, waa halka ay Soomaali is dhigtay!
 |
MUQDISHO waxey ku jiraa marxalad lagu
tilmaami karo tii ugu qalafsaneyd ee soo marta abidkeed,
waa magaalo ay soo mareen maalmo farxadeed & maalmo
ay ilmo ka qubanayaan, Muqdisho iska samir waxaan
hubaa in maalin un aad ka bixi doonto radaafka &
silica lagugu cidleeyey (RABBI HADDUU IRID XIRO IRID
BUU FURAA), MUQDISHO waxey u soo joogtay iyadoo dusheeda
ay ku dirirayeen gumeysi cadaan ah & tacbanayaal
u adeegaya gumeysiga oo leh MAYA lama joogo xilligii
xornimada waa in aan ku sii jir gumeysiga, waxey soo
martay maamul dowladeed laga dhaxlay wanaag &
xumaan is huwan, waxey u soo joogtay oo u soo gegsatay
dagaalo mindhicireedkii ugu xumaa xilligii dagaalada
sokeeye, waxey u soo joogtay dagaal lagu riiqmay oo
u dhexeeyey xooggagii Unisom & SNA, sidoo kale
waxaa soo maray dagaaladii lagu kala baxay ee u dhexeeyey
Isbaheysigii argagixiso la dirirka & golihii maxaakiimta
ee taageerada ka helayey shacabka, kadibna horseeday
nabadii & kala danbeyntii dalka ka hano-qaaday.
Cabdiraxmaan
Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com